Waare:-“Saamileyda Siyaasadda Yaysan Eegin Kaliyah Danaha gaarka”+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay shirka ka dhacay Magaaladda muqdisho ayaa sheegay arrimo badan oo ku saabsan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Madaxweyne Waare ayaa faray siyaasiyiinta dalka inay ka shaqeeyaan danaha guud ee dalka islamarkaasna aan la eegin danaha gaar oo kaliyah  balse loo baahanyahay in wadajir iyo isutanaasul wax lagu wada qabto

Dhankale madaxweyne waare ayaa amaanay shirkii ka dhacay magaalacada dhuusamareeb isagoo sheegay in uu ku arkay siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafid iskugu jira oo si wadajir ah iskula shaqeynaya si loo gaaro danta guud iyo wax wada qabsi

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankale sheegay inay siyaasiyiintu ay kala shaqeyaan hormarinta deegaanada maamulka hirshabeele hadi garab lasiiyana ay ku talaabsan doonan maamulku hormaro iyo guulo fara badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here