Duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya oo Maanta Dib u Bilaabanaya

0

Maanta oo Isniin ah waxaa dib u bilaabanaya Duulimaadyadda Caalamiga ah, oo hakad ku jirey 139-bari,kadib markii Caabuqa Karona Virus oo dunidda Saameyn ku yeeshay.

Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 3da bisha Agoosto 2020 ay dib ubilaabanayaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ku xirmay Caabuqa Covid19.

Dhammaan dadka rakaabka ah ee la socda diyaaradaha dibadda ka imaanaya ayaa lamarin doonaa baaritanno caafimaad waxaana shuruudaha lagu xiray kamid ah in ay  la yimaadaan aqoonsiyo muujinaya xaaladooda caafimaad.

Xirnaanshaha Garoonka Diyaraadha Magaaladda Muqdisho ayaa keentay in dhaqaalo xumi ay soo wajahdo Dowladda Soomaaliya,sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here