Daadad Kusoo Rogmaday Xaafadaha Magaaladda Beledweyne+Dhageyso

0

Wabiga shabeele oo mara qeybo kamid ah  Deegaanada dhaca gobolka hiiraan ayaa Daadad uu sababay waxay ay maanta kusoo rogmadeen xaafado iyo tuuloyin hooyimada magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran.

Wararka aan ka helayno magaaalada Beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in daadad ka dhashay roobabka da.ay Xaafado ka tirsan magaalada baladweyne ee gobolka hiiran ay saameyn ku yeesheen dadka degaanka

Waxaana wararku sheegay in daadadkaasi ay gudaha u galeen xaafado ay dad danyara ah daganaayeen oo ka tirsan magaalada baladweyne islamarkaasna ay hada dadku bilaabeen inay iskaga baracakaan xaafadahaasi ay saameynta ku yeesheen daadadka.

Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada magaalada beledeyne ee gobolka hiiraan oo la hadlay idaacadda  Simba ee muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka hiiran uu ku baxay qooysas dan yar oo uu ku soo rogmaday Daadad ay sababeen biyabax yar oo uu sameeyay wabiga shabeele iyo Roobab ka da.ay magaalada baladweyne

Gudoomiyaha ayaana tilmaamay in maamulka gobolka hiiran uu tagay xaafadaha ay biyuhu soo galeen isagoona sheegay in halkaasi ay u tageen sidii qoysas kaasi danta yar ay uga soo samatabixin lahayeen daaadadkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here