Guddoomiyaha Degmadda Warta Nabadda Saynab Xaabsey ayaa isbitaal la dhigay kadib marki Askari ka Tirsan Ciidamadda ilaaladda Xarunta gobolka Banaadir uu qori baadkiisa ku dhuftay.
Falkaan ayaa ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Sida la sheegay waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay ciidamadda ilaaladda u ah Gudoomiyaha iyo ciidamadda ku sugan Xarunta Gobolka Banaadir.
Labada Ciidan oo isku gacan qaaday ayaa waxa ay isku dayday Guddoomiye Zaynab inay kala dhex gasho, balse Askari ka mid Ciidamada illaalada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku dhuftay qoriga Baadkiisa,taasi oo keentay in jug kasoo gaartay dhanka Feeraha.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Xaabsey ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Difgeer ee magaalada Muqdisho.

