Maanta oo Sabti ah Ardeyda Dugsiyadda Sare ee Gobolka Banaadir iyo Goboladda dalka ayaa u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ee Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
34-kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa u fadhiisanaya imtixaanka,waxayna ku galayaan Meelo kala duwan Sida Goboladda Banaadir, Jubbaland,Hir-shabeelle,Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ardeyda maamulka puntland ayaa imtixaankooda u fadhiistay todobaadkii aynu soo dhaafnay,waxaana jira khilaaf u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Puntland.
Amaanka Goobaha lagu galaayo Imtixaanka Shahaadiga ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana amniga Sugaya Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya.

