Warar soo baxaya ayaa sheegaya in XILDHIBAANADA MAMULKA Puntland ay Xaraashayaan Xaruntii ay ka degganaayeen magaalada Garawe ee Xarunta maamulka Puntland, Xildhibaannada Golaha Wakiilada oo dood qarsoodiya ka yeeshay Codsiga Guddoonka ayaa markii dambe ansixiyay Qoraalkaas waxaana ay go’aamiyeen in ay iibsadaan Xarunta Golaha islamarkaana la raadiyo Xarun kale oo ka baxsan gudaha Magaalada.
Kulanka oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa.
Mudadii ay socotay Doodda iyo Codaynta Qoraalka Codsiga ah ee Guddoonka Golaha Wakiiladu uu Xildhibaannada kaga dalbanayey in ay iibsadaan xaruntooda waxaa Golaha bannaanka looga ceyriyay Dhalinyarada Muuqaallada u duubta Baarlamanka si looga taxaddaro in aysan bixin Xogta.
Waxaase xusid mudan in aysan weli Guddoonka Baarlamanku shaacin halka ay Xarun cusub ka dhiganayaan maadaama ay ansixiyeen in ay iibsadaan Xaruntooda ay haatan ku shaqeeyaan.

