Roobabka ka da’aya magaalada muqdisho iyo degaanada ku xeeran ayaa saameyn aad u daran ku yeeshay dadka danyarta ah ee ku dhaqan muqdisho iyo degaanada duleedka ka ah, waxaana roobabkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhawaac leh, sidoo kale waxaa jira guryo ay daggan yihiin dad danyar ah oo ay guryahoodii roobabku qaadeen.
Kaam ku yaalla duleedka muqdisho gaar ahaan degaanka Garasbaalley ay waxaa xalay ka dhacday dhacdo aad u xanuun badan, kadib markii uu soo dumay darbi weyn oo gabbaad u ahaa qoysas danyar ah oo halkaas ku noolaa in muddo ah.
Abbaara xalay 3:00am habeenino waxaa ay ka war heleen dadka ku nool Kaamkaas qoys uu ka habsaday darbigu, waxaana ku geeriyoooday inta la xaqiijyay 4ruux oo seddex isku qoys yihiin, sidoo kale waxaa la xaqiijay in ruux kale oo ka mid ahaa dadkii darbigu ku dumay ay xaaladdiisa caafimaad aad u liito kadib markii Naqasku ku dhagay.
Ka dib gurmad ay sameeyeen maamulka Degaanka Garas Baalleey iyo dadka ka ag dhawaa halka mashaqadu ka dhacaday waxaa lagu guulaystay in laga daad guureeyo dadka danyarta ahaa, maaddaama ay macquul tahay in qaybaha kale dhismaha uu dumo.
Nasro Xersi Axmed waa Guuddoomiyaha kaamka malable oo xalay dhacdada xanuunka badani ay ka dhacaday, waxaan ka waraysannay sida ay wax u dheceen.
Waxaa maal mahaan magalada muqdisho si xooggan uga da’ayay roobab mahigaan ah oo saameyay dadka danyarta ah ee aan heli Karin hooy ay kaga Gabbaadsadaan dhibicda roobabka da’aya.
Waxaana ugu daran dadka kasoo barakacay Gobalada dalka ee ku jira Kaamamka loogu tala galay Barakacyaasha, iyadoo ay xusid mudan tahay in mar waliba ay soo yeerto qayladhaanta ay ditrayaan dadka danyarta ah, balse sida ugu habboon loogama jawaabo baaqyada ay u dirayaan hay’adaha gar-gaarka iyo madaxda dowladda.

