Raisulwasaaraha Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaaladda Dhuusa-mareeb

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo Wafdiga Raisulwasaaraha Soomaaliya ayaa ka socota Magaaladda,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga Magaaladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata haatan mid taageersan war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii magaaladda Dhuusa-mareeb,kaasi oo loogu soo horjeystay muddo kordhin.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa lagu wadaa in isna uu tago magaaladda Dhuusa-mareeb si shirka ugu qeyb galo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here