Qoor-qoor:-“Wajiga 2-aad ee Shirka ayaa Furmaya, DFS ayaa kasoo qeyb galaysa”,!

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug,Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo xalay khudbad ka jeediyay xiritaanka Wajiga koowaad ee Shirka Watashiga Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wajiga labaad ee shirka uu  maalmaha soo socda furmi doono ayna kasoo qeyb gali doonaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa u mahadceliyay Madaxda Dowladd Goboleedyada iyo bulshada reer Galmudug kaalinta ay ku lahaayeen shirka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Madaxweyne-yaasha kale in maalmo kale, ay sii jooggaan Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qaybgalaan wejiga 2aad ee shirka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here