Waxaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug uu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.
Sida qorshaha uu ahaa Shirka ayaa Magaaladaas ka furmi lahaa maalintii Khamiistii balse madaxweynayaasha qaar ayaa Magaaladaas gaaray xili dambe waana sababta keentay in shirka uu dib u dhaco.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa la fillayaa in maanta uu Magaalada Dhuusamareeb ka furo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada,kaasi oo looga hadlaayo Arrimaha Doorashooyinka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaba-gabadda shirka lagu casuumi doono Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo haatan shirka lagu casuumin.

