Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Maamulka Puntland iyo kooxo ka ganacsanayay Qamriga oo saakay ka dhacay woqooyiga Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka mudug.
Dagaalka ayaa daba socday dagaal xalay ka dhacay Xaafadda Garsoor,kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen rag la sheegay inay qamriga ka ganacsadaan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Maleeshiyaad ku heyb ragga xalay ay weerareen ciidamadda amaanka Maamulka Puntland ayaa saakay weerar ku qaaday ciidamada maamulka Puntland.
Labadda Dhinac ayaa isku adeegsaday hubka Noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaaro naf iyo maalba leh oo dagaalka uu geysanayo.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mas’uulka Magaalada gaalkacyo ee maamulka Puntland.

