
Ciidanka kumaandooska XDS ee danab ayaa howgal qorsheeysan waxeey kasameeyeen degaanka Urunji oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka shabeelaha hoose halkaasi oo al-Shabaab u ahayd maxkamad ay dadka ugu yeeri jireen.
Howlgalka ayaa waxaa lagu dilay laba horjooge oo kala oo Shabaab ukala qaabilsanaa maxkamada iyo uruurinta lacagah ay shacabka masaakiinta ah kaqaadaan ee sakawaatka ay ugu yeeraan.
Horjoogayaasha ayaa lagu kala magacaabaa cabdulaahi dhagool oo qaabilsanaa sakawaatka iyo shiikh Maxamed oo qaabilsanaa maxkamada kutaalay degaanka Ugunji sidookale Ciidanka ayaa toogtay sadax lasocday kadib markii ay isku dayeen ineey dagaalamaan.
Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dadka ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in Ciidanka kumaandooska ay siidaayeen dad ay Shabaab maxaabiis ahaan uheeysteen wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ineeysantagay degaanada Al-shabaab maxkamado beenaadka kasameeysteen.
