Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Xaafadda taleex Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Dalcadda Cabdi Qaasim.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay qaraxa khasaara dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
“Shabaab ayaa degmada Hodon ku dilay 2 katirsan ciidamada Booliska, waxaa kale oo qaraxa ku dhaawacmay laba katirsan Booliska oo uu kamid yahay xoghayaha guud ee booliska ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

