James Rodriguez:- Ciyaaryahan Walba Waxa uu Maqlaa Hadalka Zinedine Zidane.

0

Laacibka kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa aaminsan in waqti wanaagsan shaqada laga ceyriyay macalin Rafael Benitez. Xili shaqada kooxda Real Madrid loo dhiibay macalin Zinedine Zidane.

Macalin Zinedine Zidane ayaa guuleystay labadii kulan uu soo hogaamiyay kooxda inkastoo uu xalay barbaro la galay kooxda Real Betis, iyadoona laacibka reer Colombia ee Rodriguez markii ugu horeysay loo magacaacay shaxda kooxda Real Madrid kadib dhaawac soo gaaray Gareth Bale, kulankii Hore,

James Rodriguez ayaa hoos u dhac aad u weyn laga dareemayaa xili ciyaareedkaan tan iyo markii ay dacwado ay kusoo ogeen Booliska Magaalada Madrid ee dalka Spain kadib markii si xowli ah gaari ugu waday wadooyinka Magaalada Madrid,

Sidoo kale James Rodriguez ayaa Tilmaamay in dhamaan ciyaartooda kooxda real Madrid ay hadalkiisa maqlaan Macalinka Cusub ee Zinedine Zidane.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here