Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Maanta soo Gaaraya Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta la filayaa in ay  soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya si ay ugu qeyb galaan shirka loogu hadlaayo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan, 2016-ka

Magaalada Muqdisho waxaa haatan ku sugan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Juba-land C/wali Maxamed Cali Gaas iyo axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe,  oo kamid ah Madaxda Maamulka Goboleedyada dalka ee ka qeyb galaya shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa,

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kamid ah Madaxda qabta in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan  lagu saleeyo nidaamka 4.5 oo kamid nidaamyada ay wax ku qeybsadaan beelaha soomaliyeed,

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif xasan sheikh aadan ayaa dhankiisa la filayaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho in kastoo uu safari ku marayo meelo kamid ah Gobolada Bakool,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here