Canug Caloosha Ku Saqiiray oo Afar Ruux Loo Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo afar ruux oo isku qoys ahaa xalay ku dilay Magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Tabeelaha Shiikh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, Askariga falka geystay ayaa qoyska waxyeelada soo gaartay ka qabay Gabar,waxaana la sheegay in Canug yar ay caloosha ku siday uu dhintay,kadib markii ay safar gashay taasina uu ka carooday Askariga.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa Idaacadda Simba u sheegay in askariga uu ku dooday in Canugiisa la dilay,islamarkaana ay ka dambeeyeen qoyska gabadha uu qabay.

Askariga falkaan geystay ayaa ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo,si gacanta loogu dhigo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here