Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Goboleedka Jubbaland ee sugaya amniga Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam tira ahaana gaaraya 30-askari ayaa goor dhawayd u duulay magaalada Dhuusamareeb oo lagu wado in uu maanta ka furmo shirka dowlad goboleedyada dalka.
Sawirro lasoo bandhigay ayaa muujinaya in ciidamadda ay si aad ah u hubeysan yihiin,islamarkaana ay diyaar u yihiin amaanka Madaxweyne Axmed Madoobe.
Ciidamadaan ayaa marka hore tagi doona magaaladda Dhuusa-mareeb,waxaana kadib magaaladda tagi doona Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa dalbaday in si degdeg ah Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliya looga saaro Galmudug waa haddii la rabo in ay ka qeyb galaan shirka dhuusamareeb.
Labada Madaxweyne ayaa sheegay in Ciidanka Haramcad ay yihiin kuwo ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliya oo aysan hoos imaan Galmudug, sidaas darteedna aysan isku aaminin meel Haramcad joogto in shir ay uga qeyb galaan.
Shalay Magaaladda Dhuusa-mareeb waxaa laga soo celiyay 200 oo askari kana mid ahaa Ciidankii Haramcad kuwaasoo ku sugnaa Galmudug gaar ahaan dhuusamareeb.





