Waxaa magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug laga dareemayaa diyaar garowga ku aaddan shir dhawaan la fuilaya in uu ka furmo magaalada dhuusamereeb xarunta u ah maamulka galmudug.
Magaalada ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dagay diyaarado siday gaadiid nooca aysan xabbaddu Karin ah, waxaana la sheegay in gaadiidkani ay qayb ka noqon doonaan kuwa lagu galbinayo mafdaxda maamul Gobaleed yada shirka kasoo qayb galaya iyo wufudda kale ee shirka imaan doona.
Waxaa magalada sidoo kale soo dhoobay ciidan farabadan oo ka qayb qaadan doona sugidda ammaanka iyadoo cidanka loo diyaariyay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka guud.
Dhanka kale galmudug ayaa beenisay warar sheegayay in ciidanka Haramcad laga saarayo galmudug Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin,isla markaana ay baahinayaan dad doonaya inay carqaladeeyaan shirka ay Galmudug marti gelisay ee dhex-mari doona Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Waxaa uu sheegay in waqtigaan aysan jirin waxyaabo kalifi kara in Ciidamada Haramcad laga saaro Magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo ka qeyb qaata amniga Magaaladaas,isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.

