Al-shabaab oo Madaafiic Ku Weeraray Saldhig AMISOM, Qarax Ka Dhacay Ceelasha

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaadiif lagu weeraray Saldhig Ciidamadda AMISOM ay ku Leeyihiin degmada Janaale  ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyo qarax lagula eegtay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa Tiro Madaafiic ah ku weeraray Saldhig ciidamadda AMISOM ay ku leeyihiin degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in weerarkaan lagu dilay dhowr askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka uga beegan Muqdisho waxaa lagu burburiyay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari ay ku dhinteen qaraxa, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay ka jiideen gaarigii gubtay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here