Duulimaad-yada Diyaaradaha oo maanta dib loo Furay Gudaha Dalka

0

Ka dib in muddo ah oo ay xirnaayeen duulimaadyada diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan ( Aadan  Cadde), ayaa saaka dib loo furi doonaa duullimaadyada diyaaradaha ee gudaha dalka.

Waxaa gudaha garoonka diyaaradaha lagu qabtay munaasabad dib loogu furayo  duulimaadyada diyaaradaha ee gudaha dalka, waxaana goob jog u ah munaasabadda  masuuliyadda ka tirsan dowladda oo kasoo qayb galay munaasabadda, Maareeyaha hay’aadda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka CornaVirus.

Waxaana la filayaa in a si caadi ah kusoo noqdaan howlihii duulimaadyada, maaddaama ay in muddo ah aysan jirin wax duulimaadyo ah oo ka jiray gudaha dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here