Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Ka Sameeyay Degaanno Ka Tirsan KGS

0

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Gobalka Baay ayaa saacadihiilasoo dawafay waxa ay howlagallo ballaaran ka wadeen qaybo ka mid ah Gobalka Baay.

Howl galka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka xoogga eek u sugan diinsoor waxaa ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah Gobaka Baay gaar ahan  deegaanada kala ah Tuko-rooste iyo laba-warood  oo ah degaanno ku yaall duleed ka Diinsoor, waxaana la sheegay in ciidanku ay ku raad joogaaan xubno katirsan shabaab oo degaanadaas falal amniga liddi ku ah ka fuliya.

Howl galkan waxaa si gaar ah u wada Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Qeybta 60aad ee ka howgala gobalka Baay, Taliayaha Ciidanka Milateriga Diinsoor laba xidigle Cali Xasan Cali oo howlgalka hogaaminayay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka howlgalkaas la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaanada ay Ciidanka tageen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ay sii wadi doonaan howgalka tan iyo in ta ay gacanta ku dhigayaan deganno badan oo ay shabaab ka maamulaan Gobalkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here