Banaanbax DFS Loogu Soo Horjeedo oo Ka Socda Muqdisho iyo Rasaas La Maqlayo

0

Banaanbax loogu soo horjeedo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka socda Magaaladda Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa ka socda Fagaaraha Daljirka Dahsoon Degmadda boondheere ee Gobolka banaadir.

Dadka Banaanbaxa dhigaya ayaa wata Boorar ay ku qoran yihiin Ereyo lagu dhaliilayo Madaxda Dowladdda Federaalka Soomaaliya gaar aahan madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya oo goobta tagay goordhaweyd ayaa rasaas ku kala eryay dadka isugu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaa la maqlayay rasaas ka dhacayay qoriga Dhashiikaha oo lagu kala eryaya dadka isugu soo baxayay fagaaraha oo qorshahooda ahaa banaan baxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here