Daqare:-“ Taiwan Waa Maamul Goboleeed Mana Aqoonsan Karto Somaliland”,+Dhageyso

0

Iyadoo Taiwan  oo ah Dowladda Xubin ka ah dowladda dalka shiinaha ay dhawaan dal madax banaan u aqoonsatay maamulka somaliland oo iyagu ictiraaf ama aqoonsi raadinaysay in mudda ah ayaa waxa arintaasi siyaabo kala duwan ugu hadlay siyaasiyiinta qaar ee dalka.

Taiwan ayaan aqoonsi ka helin dowladda ay xubinta ka tahay ee shiinaha walow ay sheegto in ay ka madaxbanan tahay dowladda shiinaha inteeda kale

Dhankale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Dhankale Prof daqare oo la hadlay radio simba ayaa dhankisa ka hadlay sida ay latahay aqoonsiga somaliland ay ka heshay Taiwan.

Prof daqare ayaa sheegay in maamul uusan maamukale aqoonsan karin islamarkaasna waxa uu tilmaamy in taywan iyadu ay tahay maamul aan wali madaxbaani helin maamulkalana uu san aqoonsi siin karin.

Si kastaba ha-ahatee hadalka prof ka ayaa waxa uu kusoo aadaya iyadoo maamulka somaliland ay taywan u aqoonsaday dalka madaxbanaan iyagu in muda ah somaliland ay baadi goob ugu jirtay sidii ay aqoonsi ama madaxbanani ay u heli lahaayeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here