Dowladda dhexe Soomaliya ayaa maanta Hawada ka ceelisay diyaarad ka degi lahayd magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaliland.
Diyaaraddaan oo la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya ayaa la sheegay in ay doonaysay in ay ka degto Garoonka diyaaradaha magaalad Hargeysa, waxaala la sheegay in sidday qaad laga keenay Kenya oo la doonayay in laga dajiyo Hargeysa balse waxaa hawada ka celisay dowladda dhexe ee Soomaliya.
Wararka ayaa intaas ku daraya indiyaaraddaani ay u rarnayd dad ganacsato ah oo reer Soomaliland ah kuwaas oo doonayay in khaadkoodu uga dago Hargeysa.
Khaadkii ka imaan jiray dalka itoobiya ee inta badan laga soo dajin jiray degaanada Soomaliland ayaa yaraaday sababa la xariira khalaasaha iyo bannaaan baxyada ka socda dalkaas, taasina waxaa ay sababtay in ganacsatada ka ganacsafa khaadka ay u weecdaan dhanka iyo Kenya oo khaadka ugu badani uu soomaliya kaga soo dago.

