Wararka aynu ka helayno magaalada Baydhaba ee xarunta Gobalka Baay ayaa ku warramaya in Saaka halkaas uu ka dhacay qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay ka dhashaeen.
Waxaa la sheegay in qaraxu uu aha miinada dhulka lagu aaso, taas oo lala eegtay saldhigga ciidamada koonfur Galbed ay ku leeyihiin maagalad Baydhabo, waxaana uu khasare kasoo gaaray dad shacab ah iyo ciidan ka tirsan maamulka Konfur Galbeed, sigaar ah uga dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taalla Bar Koontarool ah oo laga soo galo Magaalada Baydhabo, iyadoo qaraxu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ka dib Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana halkaas ka sameeyay baaritaano miino baaris ah, sidoo kalena wada howlgalo.
Wali ma jirto cid si toos ah u sheegatay qaraxaas ka dhacay Baydhaba, balse qarax yada noocaan ah ayaa waxaa looga bartay dagaalamayaasha Shabaab oo inta badan fuliya falalka noocaan ah in kasrtoo aysan sheegay qaraxaan maanta ka dhacay Magaalda Baydhaba ee Xarunta Gobalka Baay.

