Puntland oo Saaka Billawday Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah

0

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland waxaa u fariisan doona  16,500 oo arday.

5,447 oo kamid ah ardaydaas waa dugsiyada sare halka 11,053 arday ay yihiin fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Sanad walba xilligaan oo kale ayaa la qabtaa imtixaanka Shahaadiga ah ee ka dhaca Deegaannada Puntland, kaaso ah imtixaan lagu qiimaynayo ardayga waxsooo baranayay muddada 8 sano ah iyo sidoo kale kan isna waxbarashada soo waday 12ka sano, si loo hubiyo aqoontooda iyo tayadooda waxbarasho.

Imtixaanaadka waxaa lagu gelayaa  132 goobood oo ku yaalla dhammaan degaannada Puntland waxaana ardayda loo diyaariyay agabka ka hortagga Xanuunka COVID-19.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here