Dowladda Shiinaha oo Ka Hor Timid Xiriirka Dhexmaray Somaliland iyo Taiwan

0

Dowladda Shiinaha ayaa kasoo horjeysatay Heshiis dhexmaray dhawaan Maamulka Somaliland iyo Taiwan oo an weli labadaba Caalamku Aqoonsan.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twiter-ka Safaaradda Dowladda Shiinaha ee ay Soomaaliya ku leedahay ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinuhu aysan aqbalayn in dhulkeed la kala jaro.

Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dawladood oon weli aqoonsi ka helin beesha caalamka ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo ku saabsan xidhiidh ubilaabay labadan dal oo dhul ahaan aad ukala fog.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo dhawaan booqday dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa heshiiska kala saxeexday.

Taiwan ayaa sheegtay in ay xafiis ka furan doonto Somaliland oo ay ku tilmaantay in uu yahay dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan jacayl qoto-dheer oo xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here