Akhriso:-Galmudug oo Guddi u Saartay Dagaalkii Dhuusamareeb Ka Dhacay

0

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug,kaasi oo u dhaxeeyay Booliska iyo Nabadd Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada amniga Gudaha Maamulka Galmudug oo qoraal kasoo saartay dagaalka ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa sheegtay in Guddi baaris loo xilsaaray,islamarkaana jawaab laga sugaayo.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan magaalada Dhusamareeb” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dagaalka ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ku dhaawacmay 5 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah lama soo warinin wax dhimasho ah oo dagaalkaasi ka dhashay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here