Wararkii Ugu Dambeeyay Iska Hor imaad Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in maanta uu magaaladaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray Ciidamo ka Tirsan Kuwa Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Danab ee ku sugan Magaaladaas.

Sida ay sheegeen saraakiil ka Tirsan maamulka Galmudug iska hor imaadka ayaa ka dhashay muran soo kala dhexgalay labadda Ciidan.

Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadka ku dhaawacmay 5-ruux oo u badan dhinacyada dagaalamay.

Wararkii ugu dambeyay ee naga soo gaaraya magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in Xaaladda ay haatan dagan tahay,islamarkaana ciidamadda dagaalamay lakala dhexgalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here