RW Pakistaan oo Hindiya Ku Eedeeyay in ay Ka Dambeeyeen Weerar ka Dhacay Dalkaasi

0

Reysulwasaaraha dalka Paakistaan cimraan khan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda hindiya ay kadambeeysay weerar dad ay kudhinteen oo kadhacay qeybo kamid ah koonfurta magaalada karaaji ee dalka paakistaan weerarkan ayaa lagu qaaday dhismo ganacsi oo kuyaalla koonfurta magaalada karaaji.

Reysulwasaaraha dalka paakistaan cimraan khaan oo khudbad ujeedinayay baarlamaanka dalka paakistaan ayaa hoosta kaxariiqay in weerarkii kadhacay magaalada karaaji ay kadambeeyeen dowladda hindiya.

Wallow uusan soo bandhigin cadeymo muujinaya in sirdoonka hindiya ay kuluglahaayeen weerkaasi waxa uuna intaasi kudaray in ay jiraan warbxino muujinaya digniinno ay bixiyeen sirdoonka dalka paakistaan kuwaasi oo muujnaya in ay jiraan weeraro dowladda hindiya ay kageesan rabto dalka paakistaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here