Wararka aynu ka helaynomagaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dil u gaystay qof shacab ah oo ku noolaa magaladas.
Goob joogayaal aya sheegaya in dilku uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhex galay qofka shacabka ah iyo Askariga dilka gaystay.
Waxaa la sheegay in Ciidanka Ammaanka ay ku howlanyiihiin soo qabashada Askariga dilka geystay oo la sheegay in uu goobta ka baxsaday.

