Bannaanbaxyo Gil-gilay Ethopia kadib Dilkii Xalay Loo Gaystay Hachalu Hundesa + Sawiro

0

Waxaa qaubo ka mid ah dalka Itoobiya gil-gilay nbannanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dad shacab ah oo isugu soo baxay goobaha caanka ah iyo waddooyinka waweyn ee waddankaas.

Dadkaan shacabka ah ayaa ka caraysan fannaan kasoo jeeday qowmiyadda  Oromada oo xalay l dilay, waxaana si weyn kaga xumaday  dilka loo gaystay fannaankaan caanka ahaa, Dilka kadib ayaa waxaa Caasimadda Itoobiya iyo deegaanka Oromada ka bilowday banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo dilkii loo geystay Fanaanka, waxaana banaanbaxa uu yahay mid xoogan oo weli socda kuna sii fidayo degaano kale.

Hachalu Hundesa waxaa uu ahaa Fannaan si weyn ay u jecel yihiin dadka itoobiyaanka ah, gaar ahaan waxaa uu ahaa fannaan dhanka Oromada Si weyn looga qaddariyo.

Sawirro laga soo qaaday dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay yihiin kuwo aad u careysan, iyagoo waddooyinka ku gubayay taayaro waaweyn, sidoo kalena wadada soo dhoobay dhagxaan farabadan, isla markaana waxaa istaagay isku socodka gaadiika.

Taliyaha booliska Magaalada   Addis Ababa Getu Argaw ayaa xaqiijisay dilka , waxaana dhaawac soo gaaray loola cararay Isbitaal oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

wir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here