Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaariye ( Qoor-Qoor) ayaa manta lagu wadaa in uu gaaro Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud, waxaana magaalada ka socda u diyaar garowga lagu soo dhaweynaya madaxweynaha iyo wafdiga la socda.
Cabudwaaq ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayay u diyaar garoowga soo haweynta wafdiga Madaxweyne Qoor qoor, hayeeshee waraka Maanta la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dad careysan ay jeex jeexeen Sawiradii iyo boorarkii wadooyinka lagu dhejiyay ee loogu talo galay soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Galmudug.
Maamulka degmada Cabudwaaq iyo taliska Booliska degmadaasi weli kama hadlin tallaabada ay sawirada iyo boorarka soo dhaweynta Madaxweynaha Galmudug loo qorsheeyay dadka degmadaasi ku jeex jeexeen,xilli diyaar garoow uu ka socday Magaaladaas.

