Golaha Wakiilada Soomaliland oo Maanta Ansixiyay Xubno ay Horay u Diideen

0

Maanta kulan ay ku  yeesheen Magaalada Hargeysa  xubnaha Golaha Wakiilada Soomaliland aya waxaa ay ku ansixiyeen labada xubnood ee xisbiyada Waddani iyo UCID u soo magacawdeen guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Maxamuud Siciid Dalmar oo ka socday Xisbiga waddani ayaa waxaa u Codeeyay 51 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid aamusay, iyadoona sidaasna lagu ansixiyay, Sidoo kale Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo isna ka socday Xisbiga UCID ayaa waxaa ogolaadey 49 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday, halka ay ka aamuseen Codeynta saddex Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in labadaan Xubnood la ansixiyay,isla markaana ay sirasmi ah uga mid yihiin Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here