Waxaa dalkoodii dib ugu noqday Cutubyo Ka Mid ah ciidamada AMISOM,Qaar kamid ah Ciidamada Itoobiya ee ka tirsanaa Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda,iyada oo lagu soo dhaweeyay Xarunta degmada Doolow-Cade ee Magaalada Doolow ee Gobalka liibaan ee deegaanka Soomaalida hoos tagta Ethopia.
Ciidamadaan ayaa in muddo ah ka howl galayay gudaha daka waxaana ay ka tirsanaa guutada Qilfat ee ka howlgelayeen nawaaxiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay.
Waxaa Munaasabad lagu soo dhaweeyay Ciidamadaas lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ku leedahay Magaalada Doolow, waxaana ka qeyb galay Taliyaha guud ee Taliska bari ee Ciidamada difaaca Itoobiya Major jeneraal zewdu Belay,waxaana uu sheegay in Cutubyadan Ciidamada itoobiya ee AMISOM katirsanaa ay yihiin geesiyiin fashiliyey iskudayo aad u badan oo ay Al-Shabaab labeegsanayeen Ciidamadooda iyo dad Shacab ah.
waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM.

