Shacabka Muqdisho ayaa maanta waxaa ay isugu soobexeen bannaanbax ballaadhan oo ay ku taageerayaan go’aankii shalay Baarlamaanku ay ku ansixiyeen maqaamka Gobalkani Banaadir.
Waxaa waddooyika waaweyn lagu arkayaa shacab farabadan oo ka kala yimid degmooyinka uu ka kooban yahay Gobalkani Bnaadir, qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobalka ayaa goobjoog ka ah sida shacabkani ay u muujinayaan dereenkooda ku aaddan sida ay u arkaan maqaamka Muqdisho.
Erayo lagu taageerayo go’aankii ay xildhibaanada Golaha shacabku qaateen ayay ku dhawaaqyaan, sidoo kale waxaa ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku tageerayaan in Gobalka Banaadir Maqaam ku yeesho Aqalka sare.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay kulankii ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo laga siiyay 13-xubnood, waxaana arrintaas siweyn u soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan.

