Idaacadda Simba ayaa maanta Abaalmarinno guddoonsiisay tar-tamayaashii ku guulaysatay tartan aqooneedkii ramadaanka ee idaacadda Simba ay u qabatay dhagaystayaasheeda.
Tartan Aqooneedka Shaqsi Shaqsi oo idacadda Simba ay Ramaddaan kasta qabato ayaa sanadkaan waxaa taabba galinayay shirkadda isgaarsiinta Somtel, waxaana Abaal marinno kala duwan la guddoonsiiyay seddexda ruux ee kaalmaha ugu horreeya ka galay tar-tankaan.
Munaasabaddan oo ahayd mid si heer saraa loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay agaasimaha guud ee idaacadda Simba Cabdullaahi Cabdulaahi Cali Faarax (Catoosh), waxaana uu bogaadiyay guulaysta yaasha sanadkaan, isagoo sidoo akle sheegay in Idaacadda simba ay sii wadi doonto tar-tamada noocaan ah iyo barnaamijyada ay bulshada u hayso idaacaddu.
Dhanka kale Agaasima Ku xigeenka ah Madaxa Barnaamijyada Idaacadda Simba Cabdi Khadar C,rixiin Ibraahim sheegay in tartankani uu ahaa mid si weyn ay ugu baratameen tar-tamayaashii ka qayb galay
Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka hadlay guulaysta yaasha sanadkaan, waxaana ay sheegeen in ay si weyn ugu mahad celinayaan idaacadda Simba oo si weyn ugu istaagtay Tartankaan iyo Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo sanadkaan taabba galisay Tartan aqooneed Shaqsi Shaqsi oo idaacaddu ay ramaddaan waliba ay qabato.
Waxaa sanadkaan Kaalinta 1aad ka galay Maxamed cabdulaahi xersi oo noqday ku guulaytaha koobaad ee Tartan aqooneedka Shaqsi Shaqsi, waxaa 2aad iyo 3aad kala galay maxamed aadan cali iyo isxaaq Nuur cabdi
Idaacadda Simba ayaa Bisha Ramaddaan waxaa ay sanad waliba qabataa Tartan Aqooneed ka Shaqsi Shaqsi oo ah tartan ay ku baratamaan Tartamayaasha Ka Qayb Gala.

