Idaacadda Simba oo Abaalmarino Guddoonsiisay Tar-tamayaashii Ku Guulaystay Tartankii Biishii Ramaddaan

0

Idaacadda Simba ayaa maanta Abaalmarinno guddoonsiisay tar-tamayaashii ku guulaysatay tartan aqooneedkii  ramadaanka ee idaacadda Simba ay u qabatay dhagaystayaasheeda.

Tartan Aqooneedka Shaqsi Shaqsi oo idacadda Simba ay Ramaddaan kasta qabato ayaa sanadkaan waxaa taabba galinayay shirkadda isgaarsiinta Somtel, waxaana Abaal marinno kala duwan la guddoonsiiyay seddexda ruux  ee kaalmaha ugu horreeya ka galay tar-tankaan.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer saraa loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay agaasimaha guud ee idaacadda Simba  Cabdullaahi Cabdulaahi Cali Faarax (Catoosh), waxaana uu bogaadiyay guulaysta yaasha sanadkaan, isagoo sidoo akle sheegay in Idaacadda simba ay sii wadi doonto tar-tamada noocaan ah iyo barnaamijyada ay bulshada u hayso idaacaddu.

Dhanka kale Agaasima Ku xigeenka  ah Madaxa Barnaamijyada Idaacadda  Simba Cabdi  Khadar C,rixiin  Ibraahim sheegay in tartankani uu ahaa mid si weyn ay ugu baratameen tar-tamayaashii ka qayb galay

Sidoo kale waxaa Munaasabadda  ka hadlay guulaysta yaasha sanadkaan, waxaana ay sheegeen  in ay si weyn ugu mahad celinayaan  idaacadda Simba oo si weyn ugu istaagtay Tartankaan iyo Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo sanadkaan taabba galisay Tartan aqooneed Shaqsi Shaqsi oo idaacaddu ay ramaddaan waliba ay qabato.

Waxaa sanadkaan Kaalinta 1aad  ka galay Maxamed cabdulaahi xersi  oo noqday  ku guulaytaha koobaad ee Tartan aqooneedka Shaqsi Shaqsi, waxaa 2aad iyo 3aad kala galay maxamed aadan cali iyo isxaaq Nuur cabdi

Idaacadda Simba ayaa  Bisha Ramaddaan waxaa ay sanad  waliba  qabataa Tartan Aqooneed ka Shaqsi Shaqsi oo ah tartan ay ku baratamaan  Tartamayaasha Ka Qayb Gala.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here