Wafdi Ka Socda Dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed oo Baladweyne kusoo Wajahan

0

Waxaa magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan Lagu Wadaa in ay soo gaaraan wafdi ballaaran oo ka socda dowlad degaanka Soomali Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelle  Aadan Axmed Sooyaan ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa horkacaya Wafdiga.

Waxaana wafdigaani ay baryahaan ku sugnaayeen degaanka Feer-Feer oo maal mihii lasoo dhafay ay ka socdeen kulamo iyo shirar  lagu xalinayo degaal beeleed dhawaan halkaas ka dhacay.

Waxaana ay kulama la qaadan doonaan wafdigani sida la sheegay madax ka tirsan maamulka Gobaka Hiiraan, iyagoo kala hadli doona sidii loo dhamaystiri lahaa khilaafka ka dhextaagan beelaha walaalaha ah ee  ku dagaalamaya degaanka feer-feer.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here