Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan waxaa Bannaanbax ballaran ka dhigaya dhalinyaro caraysan oo sheegay in dowladda dhexe ee soomaliya ballan uga baxaday.
Dhalinyarad aya sheegay in ay ka xun yihiin caddaalad darro ay sheegeen in ay dowladdu kula kacday, Dhalinayarada qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in muddo 6 bil kahor ah lagasoo aruuriyay baadiyaha gobolka Hiiraan,isla markaana loo sheegay in la’askareeyn doono, balse dowlada federaalka ay xulatay 50 dhalinyaro ah, dhalinyarada kalena loo sheegay inaan loo baahneeyn.
Waxaana magaalada lagu arkayaa qaar badan oo ka mid ah dhalinyaradaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah maamulka Gobalka iyo dowaladda dhexe ee Soomaliya

