Dowladda Soomaliya maanta shacisay in ay sameeyeen howlagallo ballaaran oo ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah Gobalka Shabeellaha hoose, Ciidamadda kumaandooska ee DANAB iyo gor-gor oo siwada jir ah u howlgalaya ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab kala wareegeen degaanada jilib marko iyo gendershe oo hoosyimaado degmada marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan aoo ujeedkiisu ahaa in Shabaab laga saaro dhulka xeebta ee u dhexeeyo degaanka Jasiira iyo degmada marko.
Dowladda aya guulo ka sheegatay in ay ku guulaysteen howlgal kaas, ayna sidoo akle ka gaareen danihii ay ka lahaayeen howlgalka oo ay ku tilmaameen in uu ahaa mid qorshaysan, isla markaana ay ku ekeeyeen goobo ay ku sugnaayeen xubno shabaab ka tirsan.

