madaxweynaha maamul Gobaleedka Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro degaanka Xero Dhagaxley ee Gobalka mudug.
waxaana socota soo dhaweyn ballaaran oo ay dadka shacabka iyo maaamulka degaankaas wadaan, waxaana madaxweynaha socdaalkisa ku weheliya qaar ka mid ah madaxda maamulka Galmudug.
Madaxweyne Qoor Qoor oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa safar dhinaca dhulka ah uga bixi doono,waxaana safarkiisa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo dowlad Goboleedka Galmudug.
qoor qoor ayaa dhawaanahaan safar dhanka dhulka ah ku marayay degaanno ka tirsan Galmudug, waxaana sidoo kale qoor-qoor uu kulamo la qaadanayay qaar ka mid ah waxgaradka degaanada uu booqday.

