Dagaal Khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Hiiraan

0

Ciidanka Ethopia eek u sugan degaanka Halgan ee Gobalka Hirran ayaa lagu soo warramayaa in weerar lagu qaaday saldhig ay ku lee yihiin degaankaas, waxaana weerarkaas ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhawaac leh.

Waxaa la sheegay in  dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay weerareen saldhigaas, oo ay tiro madaafiic ah ku garaaceen, Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in xalay ay maqlayeen juga xoogan oo Madaafiic iyo rasaas ah, isla markaana Madaafiicda qaarkood ay ku dhaceen gudaha Saldhiga, halka kuwo kalena ay ku dhaceen dhul-howd ah oo socodka dadka uu ku yar yahay.

Weerarka madaafiicda ah ka dib ayaa la sheegay in uu billowday weerar  fool-ka fool ah oo dhexmaray kooxihii weerarka soo qaaday ciidanka Ethopia eek u sugan Saldhigga ay ku leeyihiin Halgan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here