Jaamacad Uu Hoggaamiye ka yahay Cali Maxamed Geedi oo la sheegay in ay tahay mid been Abuur ah iyo QM oo War kasoo saartay

0

warkasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay Jaamacadda Cusub oo uu Guddoomiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, taasi oo lagu magacaabo United Nations Academy of Somalia (UNAS).

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in UNAS aysan helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanteeda, waxaana QM sheegtay in adeegsiga magacaas uusan sharciga aheyn.

waxaana Qaramada Midoobay  ay sheegtay inay dacwad sharci ah ka gudbin doonaan United Nations Academy of Somalia oo ah Jaamacad uu hoggaamiyo Cali Maxamed Geedi,taas oo wadata Magac ah inay hoostagto Qaramada Midoobay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kaddib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here