Waxaa deegaanka feer feer Gaaray wafdi ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle, kuwaas oo lagu wado nin kala dhex galaan Beelo walaalo ah dhawaan halkaas ku dagaalamay.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, waxaana qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Hirshabeelle, wuxuuna Ujeedkoodu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhameeynta dagaal xoogan oo Feer-feer ku dhexmaray laba Maleeshiyo beedeed oo halkaas ka wada-dega.
Labada dhinac ayaa qorshahu yahay inay kulamo la qaatan Odayaasha dhaqanka Maleeshiyaadka dagaalamay oo weli xiisad u dhexeeso, iyagoo kala hadli doona sidii loo afjari lahaa dagaalka, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadallo.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon doona Odayasha Dhaqanka labada Beelood ee dagaalamay si xal looga gaaro dagaalada soo laab laabtay ee halkaasi ka dhaca.
Socdaalka guddoomiye jeeyte ee Feer Feer u ku tagay ayaa kusoo aadaya xilli hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka u ku howlan yahay sidii u baaritaan dhab ah ugu sameyn lahaa sida ay ku bilaawdeen dagaal beeleedyada.

