Madawga Yurub ayaa sheegay in ay lacago ugu deeqeen qaar ka mid ah dalalka Africa gaar ahaan waddamo dhaca geeska Africa, kuwaas oo uu saameeyay Cabuqa Covid19.
War qoraal ah oo kasoo baxay EU ayaa lagu shaaciyay in ugu deeqeen lacag dhan 67.4 million oo Dollar, isla markaana uu deeqda ka taageeri doono Urur Gobaleedka IGAD.
“430,000 oo qof oo badankooda ah Haween iyo Carruur waxaa ay heli doonaan daryeel aas-aasi ah, halka 570,000 qof kalena ay heli doonaan biyo nadiif ah, Caafimaad iyo adeegyo kale oo nolosha muhiim u ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Midowga Yurub .
Dalal badan oo African ah ayaa waxaa saameeyay Caabuqa Covid19 kuwaas oo u baahan in laga caawiyo dhinacyo badan, sida dhanka qalabka lagu xakameeyo caabuqa.

