Dil ka Dhacay Muqdisho iyo Shabaab oo Sheegtay

0

Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa lasoo sheegayaan in ay dil ka gaysteen qaybo ma mud ah Magalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dherkenlay ee Gobalkni Banaadir.

Goob joogayaal ku sugan halka ay wax ka dheceen ayaa inoo sheegay in sarkaal k tirsan ciidanka dowladda ay kooxa hubaysani ku dileen degmada Dharkenlay, sidoo kale waxaa la sheegay in kooxihii dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan ku dowladda ayaa gaaray halka falku ka dhacay, waxaana ay sameeyeen howlagallo ay ku baadi goobayaan dableydii dilka gaystay.

Qoraal kooban oo Al-shabaab ay ku qoreen barahooda dhinaca Internet-ka  ayaa waxaa ay ku sheegeen in la dilay Saraal ka tirsanaa Taliska Ciidanka Dowladda laguna magacaabi jiray Laba Xidigle Cali Raage Maxamuud.

Inta badan Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa falalka noocaan ah waxaa ay ka fuliyaan degmoyinka Gobalka Banaadir, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha dowladda oo looga hadlayo dilka la sheegay in maanta uu ka dhacay Degmada  Dharkenlay Gobalka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here