Wafdi Ka Socda Maamulka Hirshabeelle oo Ku Wajahan Feer-Feer

0

wafdi ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa la filayaa in ay gaaraan deegaanka Feer-feer oo ku yaalla xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana wafdigani saacadaha soo aaddan ay gaari doonaan degaankaas.

u jeedka wafdigan ayaa ah sida la shegay dhex-dhexaadinta Malleyshiyo beeleedyo dhawaan ku dagaalamay degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte iyo wafdigiisa ayaa deegaanka kulan kula qaadan doona hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo kala dhex-galay Maleeshiyaadka dagaalamay.

Feer-feer ayaa waxaa ka dhacay dagaal Khasaaro  dhimasho iyo dhaawac leh oo  soo kala gaaray labada dhinac, waxaana xusid mudan in hoggaanka nabad-galyada dowlad deegaanka uu beeniyay in dagaalkii dhexmaray maleeshiyaadka ay ka qeyb qaateen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here