Al-shabaab ayaa Xukun xaddu zina ah oo lagu fuliyay rag kufsi ugeystay gabar.
Xukunkaan ayaa ka dhacay fagaare ku yaala magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Galguduud ayaa xukunka ka akhriyay goob fagaara ah.
Eedaysanaha lasoo dacweeyay oo lagu magacaabo Max’med Yuusuf Max’med iyo Cabdi Fataax Salaad Cabdi kuwaasi ayaa kufsaday gabar ku sugneed duleedka degmada Galhareeri.
Ragga lasoo eedeeyay ayaa qirtay dambiga ah in ay kufsadeen Gabadha,waxaana intaas kadib lagu dhuftay mid walba 100 Jeydal waxaana la sheegay in laga masaafurin doono deegaanka ay Zinada ku sameeyeen.

