Faah-Faahin:-Dil Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dileen Magaaladda Muqdisho.

Falka Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in rag bastooladdo ku hubeysnaa ay toogteen askariga xili uu isgoyska ku sugnaa,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka,waxaana goobta laga qaaday Meydka askariga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here